Hanjabada Kenya & Xasilooni darrada ka Taagan Degaanada Xuduuda la Wadaagto Somalia…

Africa News Somalia news

Iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay kordheen weerarada kooxda Argagixisada Shababka ku qaadeen Degaanada u dhaxeeya Keymaha Lamu-Gaarisa-Wajeer iyo Mandheere, kuwaasoo dhaliyay Khasaare xoogan, burbur hantiyeed Barakac Dadka Drgaanadaasi…

Maamulka Ruto oo muddo la daala-dhacaayay wax ka qabashada Amaan darrada degaanada kor ku xusan, ayaa sheegay iney dhawaan Howlgal ku dileen 23-Maleeshiyo oo ka tirsan Kooxda Shababka, Howlgalkaan ayaa ka dhacay degaanka Orgene oo ka tirsan Mandhera, iyadoo inta la xaqiijiyay ay Ciidamada Kenya looga dilay 6-Askari.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegantay maalin jadib markii uu Wasiirka Amniga uu dhaar ku maray inuu ka saari doono Degaanada ay ju dugan yihiin Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Bishii tagay lagu dilay degaanadaasi Dad kor u dhaafaya 25-Qof, lana weeraray Tiro Busas ah oo u kala gooshaayay Degaanada Mandheere iyo Wajeer.

Weerarada kooxda Argagixisada ee Degaanada Waqooyi bari iyo Degmada Lamu ayaa salka ku haya sidii loogu qasbo lahaa in Ciidanada Kenya laga saaro Degaanada ja tirsan Gobolada Jubada hoose iyo Gedo iyo ka mid ahaanshaha Howlgalka Ciidamada ATMIS, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogi doonaan Degaanada ay ku sugan yihiin xiligaan hadii xitaa laga saaro Dhamaadka sanadka 2024-ka Ciidamada ATMIS gudaha Somalia.

264840cookie-checkHanjabada Kenya & Xasilooni darrada ka Taagan Degaanada Xuduuda la Wadaagto Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com