Maxaa Hortaagan in Dagaalada Kacdoonka ee dhanka ka ah Argagixisada la Dhaqaajiyo

Somalia news

2-bilood ee ugu damveeyay waxaa degaano ka mid Gobolada Dalka qaarkood ka hanaqaaday Kacdoon Beelaysan kaasoo ka dhashay hab dhaqanka xun ee kooxda argagixisada Shababku ay kula dhaqanto Bulshada iyo baada joogtada ah ee ku dhisan cabsi gelinta iyo Dilalka…

Maamulka Villa Somalia iyadoo ka duulaysa Laba ujeedo ayay isdaad raacisay kacdoonka Beelaha, iney ku hesho taageero Caalami ah oo iskugu jirta dhaqaale, Saad Mileteri iyo Sumcad, Iney sheegato oo si dadban u hogaamiso Kacdoonka isla markaasna isku koobto Faa’iidada.

Xeel dheerayaal arrimaha gudaha ah ayaa isku waafaqsan in Maamulka Xasan Sheekh uusan soo kordhin aragti Qaran iyo Istraateejiyad mideysan oo ka saraysa midii Beeluhu hayeen oo lagula diriro argagixisada, waxaana ugu wacan in Kaadiriin aqoontoodu hooseyso ay xiligaan ku fadhiyaan Xilalka Hey’adaha Amaanka iyo Difaaca.

Waxaaba la oran karaa argagixisadii, ayaa uga dheeraysay Beelihii oo abuurtay jawi Qabiil oo shaki kala geliyay kuwii wada socday, kaasoo oranaya “Kuligeen Hal Qomiyad baanu nahay ee aan kala badbaadno dhiigeena ama Somali Gaala raaca noqo iyo Somali Islaam raaca taageeraysan”.

Sidoo kale waxaa abuurmay shaki galay Beelihii kale ee Soomaaliyeed, kaasoo ah, Hogaanka Dalka Iyo kooxdiisu waxay rabaan in Degaanada Puntland, KG iyo JL ay ku qabsadaan dagaalka argagixisada ee Beelaysan, waxay ku guuldaraysatay Sadex arimood.

-Fulin la’aanta Qorshihii Amniga Qaranka ee diyaarsanaa.

-Jihaynta, isku haynta iyo taageerada Beelihii kacay.

-Ku qancinta ama shaki ka saarida Beelihii kale.

Xiligaan waxa socda laguma tilmaami karo la dagaal argagixiso, wuxuuna u muuqdaa mid soo fashilmaya oo xawaarihiisu soo dhamaanaya iyadoo uusan bilaaban, waxa kaliya ee laga faa’iday waa in argagixisadii 4-tii sano ee Farmaajo bulaashay isna dhigatay.

218290cookie-checkMaxaa Hortaagan in Dagaalada Kacdoonka ee dhanka ka ah Argagixisada la Dhaqaajiyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com