War-Murtiyeedka Midowga Musharixiinta

Somalia news

War murtiyeedka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxay dalbadeen inay in lakala diro guddiyadii doorashada, sidoo kale waxay dalbadeen in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Teendhada Afisyooni oo aheyd halkii ay ka dhacday doorashadii Madaxweynaha 2017….

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku hanjabay in dowladda Federaalka haddii ay qaado tallaabo lagu taaba gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn ay ka shaqeyn doonaan hannaan doorasho dalka lagu badbaadinayo, si aanu u dhicin firaaq awoodeed iyo mid Dastuuri.

Waxeyna ugu baaqeen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin inuu banneeyo xilka, maadaama uu yahay Madaxa Ololaha dib u doorashada Musharaxa Madaxweyne xilka sii dhamaanayo Maxamed C/llaahi Farmaajo

75040cookie-checkWar-Murtiyeedka Midowga Musharixiinta