Shaqaalaha Dowlada Oo Cabsi Iyo Hanjabaado Loo Geysto

Somalia news

Xog Uruurin dhawaan iyo baaris balaaran oo laga Sameeyay Shaqaalaha Dowlada iyo Ciidamada ayaa tilmaamaya inay ku nool yihiin Cabsi laxariirta shaqadooda iyo Hanjabaado joogto ah oo loogu geysto Xafiisyada ay joogaan…

Sida ay talada ula wabsadeen Kooxda Maamulka Farmaajo, waxey bilaabeen iney u jeediyaan shaqaalaha rayidka DFS Cabsi gelin joogto ah iyo hanjabaado, iyadoo Dhaqaalahaasi qaarkood la sheegay in Barahooda Bulshada iyo Talefonadoda la dhageysto.

Waxaana qaarkood si joogto ah looga yeeraa Xafiisyo gaar ah oo ku dhex yaal Xarunta NISA, waxaana shuruud looga dhigaa iney warbixino ka soo diyaariyaan Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya, iyadoo ay ugu horeysay iney ka keento cidkasto Madaxweynaha Siyaasadiisa kasoo horjeedo si tilaabo laqaado.

Dhamaan Wasiirada, Agaasimayaasha , Gudoomiyayaasha Gobolada & Dagmooyinka waxey si joogto ula kulmaan ciqaabo noocyadiisa kala duwan ah iyo hanjabaado ayku fulinayaan shaqaalaha ay xukumaan hadii warbixin laga keeno inuu mucaaradsan yahay Madaxweyne Farmaajo iyagoo isugu daraayo Shaqo ka eryid, mushaar ka joojin ,& abuuris eed uusan galin si loo xiro.

Waxaa cabsi & walwal soo foodsartay Shaqaalihii  oo lakulmaayay  dabagal joogto ah wexeey bilaabeyn sidee ku difaacdaan shaqadooda in ay isu ekeesiiyaan guul wadayaal iyagoo aad arkeysid iney buun buuninayaan Madaxda Dowlada isla markaasna xubnaha mucaaradka aflagaadeeynayo.

Xog uruurintaan ayaa lagu waday ogaaday in Hadda Shaqaalaha Dowlada aaminsanyihiin mushaarka (Gunnada) ay qaatan iney tahay Hantida Madaxweyne Farmaajo kamaba dhaadhacsano in ay tahay canshuurtii laga qaaday shacabka G/Banaadir.

41060cookie-checkShaqaalaha Dowlada Oo Cabsi Iyo Hanjabaado Loo Geysto