Mareykanka Oo Digniino Amaan Ka Soo Saaray Hawada Kenya & Somalia

Somalia news

Digniino amaan oo ay soo saareen Mas’uuliyiinta Hagista Hawada ee Dowladda Mareykanka kuna socota Shirkadaha Diyaaradaha Rayidka ah ee ku duulaya hawada Wadanka Kenya, ayaa uga digay suurto galnimada weerarrada Kooxda argagixisada Shabaabka maleegayan…

Hay’adda Duulista Hawada Mareykanka [FAA] ayaa lagu sheegay in Kooxda Shabaabka, ay weli haystaan ​​hub awood u leh iney la beegsadaan Diyaaradaha joog hoose ku duulaya, gaar ahaan xilliyada duulista iyo degidda.

Digniinta Mareykanku, waxa ay sii kordhineysaa walaaca shirkadaha duulimadyada, oo horayba ula daalaa dhacaayay khasaaraha Maaliyadeed oo xiligaan heysta Shirkadaha oo ay sabab u tahay xannibaadaha safarka, si loo xakameeyo faafidda caabuqa daran ee Covid-19.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in khatarta ugu badan ka jirto, marinka duulista ee isku xiriiriya waqooyi-bari Kenya iyo Somalia, halka aan laga saarin, marinnadda isaga kala goosha Nairobi iyo wadamada Bariga Fog, sida; Dubai (UAE), India iyo China.

172480cookie-checkMareykanka Oo Digniino Amaan Ka Soo Saaray Hawada Kenya & Somalia