Maxaa Keenay Is-bedelka Qorta Gareen (Heshiis Hordhaca ah)

Somalia news

Kadib shirkii Jaraa’iid ee xalay Saqdii dhexe ku qabtay magaalada Dhuusa mareeb Mr.Axmed Qorqor, isagoo ka hadlay in Shirka la furay, isla markaasna baaq u jeediyay Labada Dowlad Goboleed (Puntland iyo Jubbaland) iney ku sugayaan magaalada si ay uga qeyb galaan Shirka Socda….

Xogaha soo gaaraya Diinah.com news ayaa sheegaya in Mr.Qorqor uu heshiis hoose la gaaray Mr.Farmaajo kaasoo ah Shaqsi uu wato in loo magacaabo Ra’iisul wasaaraha cusub taasoo bedelkeedu uu taageeraayo qorshaha Mr.Farmaajo hanaanka doorshada ee qof iyo cod oo salka ku heysa muddo kordhin 2-sano ah, iyadoo sidoo kale uu taageeray in Wasiir ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga lagu bedelo kuwa Hawiyaha, waxaana la sheegay in Mr.Qorta gareen uu u gudbiyay Liis ay ku qoran yihiin Musharixiinta, ayna ka mid yihiin Mr.Axmed Cabdisalaan, Mr.Cawaale Kulane iyo Maxamed Cali Nuur.

Heshiiskaan ayaa waxaa aad uga carooday Madaxweynayaasha Hir-Shabelle iyo Konfur galbeed, kuwaasoo la sheegay in Mr.Faraamjo uu hanjabaado iyo xeer jabjab uga dhameeyo iney oggolaadaan in Guddiga Farsamada ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixiyay Dowladda Qadar, iyadoo Danjiraha UK uu ormeer ku tagay goobta Shirka ka dhacaayay ee Hotel Decale.

Mr.Qoorta Gareen ayaa si cad xalay u sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka aysan kaalin ku lahaan doonin iney damaanad qaado fulinta heshiisyada la gaaro, hadaba waxaa is-weydiin mudan sidii ayaa loo fulin karaa heshiis ay ka maqan yihiin Maamulada Puntland iyo Jubbaland, Talaabadaan ayaa soo dadajineysa in dalka uu galo Qalalasi siyaasadeed iyo mid amni, taasoo uu Mas’uuliyadeedu qaadi doono Mr.Farmaajo.

55240cookie-checkMaxaa Keenay Is-bedelka Qorta Gareen (Heshiis Hordhaca ah)