Dhisme Masaajiydo Oo Laga Hirgeliyay Dhuusa mareeb & Guricel

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga ay Khamiistii xariga ka jartay saddex Masaajid, oo ay ka kala dhistay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb…

Hay’adda Dar’ul Eytam ayaa laba ka mid ah Masaajidan ka dhistay Magaalada Guriceel, halka midka kalena ay ka dhistay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, Munaasabadaha furitaanka ee Masaajidaasi ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin Maamulka Galmudug ka tirsan iyo bulshada qaybteed.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri “Hay’adda Dar’ül Eytam Foundation oo ah hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dhameystirtay dhismaha 3 Masjid, oo 2 ka mida ay ka dhistay Guriceel, halka kan kalena ay ka dhistay Magaalada Dhuusamareeb. Waxaa la qabtay xaflado furitaan ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo walaalahayaga Soomaaliyeed.”

97970cookie-checkDhisme Masaajiydo Oo Laga Hirgeliyay Dhuusa mareeb & Guricel