Puntland & Qaab Dhismeedka Degmooyinka Doorashada Beeleysan

Somalia news

Sida Siyaasiyiintu degaanka ku faanaan Maamulka Puntland wuxuu dhisan yahay qiyaastii 24-sano, iyadoo lagu asaasey 21 degmo oo 5-Gobol ka kooban, haataan waxey sii marayaan 9-Gobol iyo 49-Degmo kuwaasoo heerar kala sareeya (A,B,C) lagu qiimeeyo…

Madaxweynayaashii Maamulka Puntland (Faroole & Gaas) ayaa ka hadlay Geedi socodka demuqaraadiyada Doorashada iyi xaaladaha ku gedaaman, waxeyna farta ku godeen caqabadaha jira iyo Cawaqibka ka dhalan kara Go’aan hal dhinac ah iyo sida lagu hirgelin karo doorasho wadar oggol ah.

Khamiistii shirkii golaha wasiirada waxaa lagu soo bandhigey in doorashada Golayaasha degaanku ay ka dhacayso 37 degmo oo ka tirsan 49 degmo oo Puntland ka kooban tahay, haddaba waxaa la is weydiinayaa maxaa lagu xushey 37 degmo? Maxay tahay sababta looga tegay 12 degmo oo kale.

Sida uu qabo xeerka ugu dambeeyey ee degmooyinka iyo Gobolada ee  Golaha wakiiladu ay ansixiyeen 2020, shuruudaha degmo lagu noqdo waxaa ka mid ah in aysan degmo kale oo ka horeysey  ama ay ka tirsaneyd aysan u jirin wax ka yar 40km, sidoo kale in ay ku nool yihiin ugu yaraan 4000 oo qof, ay leedahay adeegyadii degmo looga baahnaa oo  dhan.

Haddaba waxaa jira Degmooyinka ka maqan gacanta Maamulka Puntland ee aysan maamulin wax doorasho ah ka dhacayn waxana ay kala yihiin:

  1. Laascaanood
  2. Xudun
  3. Kalabayr
  4. Dharkayn Geenyo
  5. Widhwidh
  6. Ceerigaabo
217890cookie-checkPuntland & Qaab Dhismeedka Degmooyinka Doorashada Beeleysan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com