Iyadoo xaalada Amaan ee dalka uu faraha ka soo baxaaya ayaa Taageerayaasha Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay soo jeediyeen in La dilo Ama la xiro Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ayaa Maamulku wuxuu Ciidamo (200) ay hoggaaminayaan saraakiil ku heyb ah u diray magaaladda Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug…
Xogtaan Ayaa tilmaamtay in 2-diyaaradood oo Ciidamo katirsan Gorgor ayaa laga dajiyey Dhuusamareeb si ay qeyb uga qaataan xiritaanka garoonka diyaaradaha ee magaaladdaas maadaama Xildhibaanada Galmudug la doonaayo iney dib ugu noqdaan Magaalada Dhuusa mareeb iyo in Musharixiinta Mucaaradka aysan ka degen Magaalada.
Waxaa lagu wadaa inuu Magaalada ka degto Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka kaasoo loo xil saaray inuu la wareego Amaanka Magaalada Dhuusa Dhuusa mareeb.
Haddii aad ogeyd Haramcad oo doorashadda maamul goboleedyadda lagu afduubo hadda waa Gorgor oo lagu doonayo in ay maamulaan doorashada Xildhibaanadda Federalka ah.