Somalia oo loo Oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM 

Somalia news

Dalka Somalia ayaa mar kale loo oggolaaday xuquuqda codbixinta ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, Dalkaan iyo kuwo ayaan wali iska bixin qaraankii Golaha guud ee Qaramada Midoobay ee lagu lahaa labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Waddamada xubnaha ka ah Golaha guud ee QM ayaa bixiya lacago qaaraan ah, waxaana jira dhoor dal oo Somalia ku jirto oo laga cafiyay qaaraanka loona oggolaaday in ay codeeyaan, halka dalal kalana laga joojiyay xuquuqda codeynta, waxaana ka mid ah Dalalkaasi Comoros, Sao Tome and Principle.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa lagu sheegay inay jiraan dhowr waddan oo ku guul-daraystay inay bixiyaan lacagta Qaaraanka ee Miisaaniyada lagu socodsiiyo shaqada Hay’adda QM, Dalalkan aan bixin lacagta qaaraanka ayaa kala ah Lebanon, South Sudan, Venezuela, Gabon, Equatorial Guinea iyo Dominica Republic ayaa laga joojiyay sannadkan xuquuqda cod-bixinta ee golaha guud.

238040cookie-checkSomalia oo loo Oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com