Digniino Laga Soo Saaray Dhul Loo Asteeyay Garoon Diyaaradeed oo ku Yaal Duleedka Mogadishu..

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayuu uga digay Dad la sheegay iney Qorsheynayaan in Dhul loo asteeyay Garoonka cusub ee Diyaaradaha Magaalada Mogadishu looga dhiso Mustaqbalka kaasoo ku yasl duleedka Caasimada…

Wararka ayaa sheegay in Dhulkaan ayaa ku yaalla inta u dhexeysa Degaanka Ceel macaan iyo Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/dhexe, waxaana lagu xusay “Dowladda Hirshabeelle waxa ay mar kale adkeyneysaa ansax ahaanshaha go’aankii hore ee khuseeyay dhulka sare ku xusan, isla markaasna kaliya loo isticmaali karo ujeedadii loo ogolaaday iyadoo lagala tashanayo dadka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Cali Guudlaawe oo sida muuqata loogu digayo dad damacsan iney boobaan ana ujeedooyin kale u isticmaalaan dhulkaas.

287280cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Dhul Loo Asteeyay Garoon Diyaaradeed oo ku Yaal Duleedka Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com