Wararkii ugu Dambeeyay Dhaqdhaqaaqa Suuqa Beec Furka Xildhibaanada & Senatarada

Somalia news

Dhaqdhaqaaqa Caawa ayaa la sheegaya in Ilaa hadda uusan jirin Musharax wax bixiyay, iyadoo Musharax kasta uu kan culeyska ku haya ayuu fiirsanayaa, Villa Somalia oo ah halka isha lagu haayo oo cid walba ay eegeyso xisaabta ay suuqa ku furreyso ayaa la soo sheegayaa in lacag bixinta ay bilaabeyso 5-ta illaa 6-da subaxnimo…

Sidoo kale Xarumaha kale ee Musharaxiinta ayeey iyana is eegashada ka socotaa oo aan wax dhaq dhaqaaq lacag bixin ka bilaaban, waxaana jira dhaqdhaaq ay wadaan Dalaaliin madax banaan oo Beec been guur ah suuqa gelinaaya.

Waxaa la aaminsan yahay in suuqa ganacsiga doorashada Madaxweynaha uu ku furmi karo 50-Kun ilaa 130-K wareega hore waxaana Musharaxiinta ay ka qiyaas qaadan doonaan Villa Somalia iyo Kooxda Ololaha Farmaajo cadadka lacagta ay bixiyaan oo la rumeysan yahay inuu gaari karo ilaa 100K.

188790cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Dhaqdhaqaaqa Suuqa Beec Furka Xildhibaanada & Senatarada