Fashilka Farmaajo & Durbaanada Dagaal Colaadeedka

Somalia news

Shacbiga Magaalada Mogadishu ayaa nayid jab kala kulmay in Nidaamkii Dowladda Federaalka oo ay Canshuurta ku bixinaayeen sidii loo dhisi lahaa Nidaam adag oo Salbalaaran kuna dhisan Cadaalad sinaan Somaliana u horseeda Dowlad daah furan oo ilaalisa Sharciga iyo Dastuurka lagu heshiiyay….

Ayaan darro Mr.Farmaajo 4-tii sano uu ku sugnaa Villa Somalia marna kama faa’iideysan fursada mana muujin dabacsanaan Siyaasadeed oo tanaasul saldhigg u tahay, wuxuuna daaqada ka saaray Qof walba oo maalin is qabteen, wuxuu go’doon geliyay Dowlad Goboleedyada qaarkood, wuxuu aragtidooda u weeraray Siyaasiyin, wuxuu soo afjaray saaxadii Siyaasada, isagoo dhow jeer isku dayay inuu khaarijiyo Madaxweynihii Xilka ku wareejiyay iyo Midkii Wasiirka 1-aad ka dhigay 2011-kii.

Demuqaraadiyada:-ayaa lagu tilmaamaa iney u tahay tiirka udub dhexaadka heshiis Bulsho, waxaana tiirar u ah Xuriyaad Siyaasadeed, midka Qolka, Saxaafada iyo Sarreynta Sharciga, intii uu xilka hayay wuxuu diiday Kulamada Siyaasada, wuxuuna xabsiga dhigay Siyaasigii ugu horeeyay ee mucaaraday (Cabdirahman Cabdishakuur), wuxuu si sharciga ka baxsan u magacaabay Ra’iisul wasaare KMG ah isla markaasna shuruuc Masiiri ah meel mariyay, wuxuu darajooyinka Ciidamada uga rifay Saraakiil ay is qabteen si baal marsan sharciga, wuxuu magacaabay tiro ka badan Danjirayaal intuu sharciga u oggolaanaayay, wuxuu howlgab geliyay Aqalkii sare, isagoo ku soo koobay Shaqada Dowladda Aqalka hoose kuwaasoo u ansixyay muddo kordhin, Isagoo oggolaaday in Hey’adda NISA iyo Shababka wada dhaweeyaan, wuxuu Hubka iyo Gadiidkii geeyay Gobolka beeshiisa ay degto.

Wadaniyada:- Wuxuu Doorashada ku galay inuu wadani yahay naceyb badan u muujiyay Ethiopia, markii la doortay kadib ayuu Ethiopia u gacan geliyay Muwaadin Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu siyaasadii Dalka ku wareejiyay iney maamulaan Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea, isagoo heshiis (Dekedo) iskaashi la saxiixday kaasoo aan la marsiinin Golayaasha Baarlamaanka, wuxuu Ethiopia iyo Eritrea ka dhigtay meesha uu ka soo Qalin-daarto, wuxuu Baarlamaanka ka ansixiyay in Bangiga Dhexe loo dhiibi Karo Qof Ajnabi ah, isagoo Ciidamo Soomaaliyeed ka dagaal geliyay Dagaalada Gobolka Tigray kuwaasoo ilaa haatan aan xaalad sugan laga heynin.

Dib u dhiska Dal dagaal Ka Soo Kabsanaaya:- Farmaajo ayaa lagu Eedeeyay inuu ahaa shaqsi Qabyaalad Madax martay, isagoo Walaalihiis (Xasan iyo Axmed) gacanta u Mashaariic hormarineed iyo Keenista Qaadka Ethiopia, wuxuu Waaaarada Macdanta u dhiibay xilalka sare Xubno beeshiisa ka soo jeeda, intii uu xafiiska joogay hal maalin kuna dhiiran inuu dib u heshiisin ka hirgeliyo Dalka, si aan colaad loogu laaban mana keenin aragti Dadka isku soo jiida, iyadoo shakiga Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay gaartay iney kalsoonida kala laabtaan dhowaan kadib Shir hoosaadyo ay qaban doonaan, sidoo kale Beelaha Hawiye ayaa lagu wadaa iney Kalsoonida kala noqdaan Dowladda Federaalka.

Xaalada Caasimadda:-
Xaalada Amaan Caasimadda ayaa ah mid Allow Sahal amuuraha, iyadoo Qeybaha ka soo horjeeda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay ku jiraan hub uruursi iyo abaabul xoogan kadib markii tiro baaqyo nabadeed ah oo ay soo saareen Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaal dhaqmeed laga hoos qaadi waayay, waxaana muuqda dhiilo colaadeed, iyadoo Shacbku walaac xoogan ayeey ka qabaan waxa dhici kara maalmaha soo socda, maadama uu Farmaajo u ku dhiiraday inuu 2-sano si sharci darro ah ku darsaday muddo xileedkiisa, Qeybaha ka soo horjeedana ay si cad u sheegeen iney ficil u bedeli doonaan Baaqyadooda.
Maxaa Dhici kara Kulanka Beelaha Hawiye Ee Isniinta Maxey kula tahay!!🤭

111680cookie-checkFashilka Farmaajo & Durbaanada Dagaal Colaadeedka