Bangiyada Somalia Iyo Khataraha Ay Wajahayaan

Business Somalia news

Xiligaan adag oo Dalka Somalia oo weli aan laga dhisin Nidaam adag oo leh dah-furnaan maaliyadeed ku dhisan, isla markaasna ay ka howlgalaan Bangiyo si gaar ah loo leeyahay, kuwaasoo shaqadoodu noqotay Laba dhagax dhexdood, una dhaxeeya Sirdoonada Reer Galbeedka iyo Horjoogayaasha Kooxaha argagixisada iyo Dowlad Hogaankeedu jilicsan yahay….

Bangiyadaan ayaa howl-maalmeedkoodu shaqo ku wahajaaya khataraha ay mar walba la macaamilaan shabakado xiriir qarsoodi ah la leh Kooxaha argagixisada iyo ganacsisato, wax kala iibsiga sida Hantida ma guurtada ah iyo furaahada Account-no la ago la dhigto, kuwaasoo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Xiliyadaan dambe ayaa soo shaac baxaaya farsamooyin cusub (Naqshado) oo lacagaha baada ah ay ku dhaqaan Kooxaha Argagixisada, iyagoo adeegsanaaya Shaqsiyaad Ganacsato ah iyo Sarakiil ka howlgala Bangiyada iyo Xawaaladaha Dalka ka dhisan, waxaana welwel laga muujiyay in isku dhex milanka Bangiyada iyo Kooxda Shababka dhaqaalaha ay baada ku qaadaan.

Saraakiisha Sirdoonka Reer galbeedka ayaa uga digay Dowladda Federaalka iney wax ka qabtaan xiriirka qarsoodiga ah ee sii kordhaaya una dhaxeeya Shaqaalaha Bangiyada, Saraakiisha Kastamka, kuwa Canshuuraha iyo Ganacsatada magacooda lagu qoray Lacagaha baada ah oo Account-ga lagu furto kadib la sii wareejiyo, iyadoo ugu dambeyn ku dhacda Gacanta Kooxaha argagixisada Shababka.

Ururadaan Hubeysan Ee Kooxaha argagixisada ayaa lacagaha baada ah ee laga qaado Dekedaha Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera u adeegsada iney ku iibsadaan Saanada, Sahayda iyo iney ku fududeeyaan howlgalada ay doonayaan iney ka fuliyaan Gobolada iyo Magaalooyinka Dalka.

66010cookie-checkBangiyada Somalia Iyo Khataraha Ay Wajahayaan