Maxaa ka Dhab ah in Hoggaanka Hirshabeelle uu isku heysto Dhismaha Golaha Degaanka Jowhar..

Somalia news

Degaanada Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo horey ay ula degeen dagaal beeleedyo iyo Isbaarooyin ayaa madaxa la galay isqabqabsi siyaasadeed oo leh, kadib markii Hogaanka Maamulku la isku mariwaayay hannaanka loo qeybinayo Golaha Degaanka ee Degmada Jowhar…

Wararka ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo shaac baxay kadib markii Mr.Guudlaawe uu xooga saaray sidii meelmar uga dhigi lahaa, dhismaha Golaha Deganka oo uu doonayo in uu qoondada ugu badan ka helo Beeshiisa, xili ay Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar iyo Gudoomiyaha baarlamaanka CabdiXakiim Luqmaan ay beelahoodu diidan yihiin qoondada Golahan iyo sida loo maareeyay.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli aan wali xal laga gaarin murankii ka dhashay xil ka qaadistii Gudoomiyihii gobalka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo dhalay ku dhawaaqistii Hiiraan State iyo Dagaal beeleedka guryaha lagu gubaayo uu xowli uga socdo tuulooyin hoos taga Degmada Cadale, iyadoo Isbaarooyin Baad loogu qaado Guudlaawe, Dabageed iyo Cali Jeyte ay yaaliin Gobolada Shabeeleda dhexe iyo Hiiraan, Halka Villa Somalia ay dusha ka daawaneyso.

284100cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Hoggaanka Hirshabeelle uu isku heysto Dhismaha Golaha Degaanka Jowhar..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com