Xildhibaano & Siyaasiyiin Gaaray Magaalada B/weyne

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa tiro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 10aad ee waqtigiisa dhammaaday iyo Siyaasiyiin ayaa gaaray magaalada Beledweyne, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ka dhaceyso Doorashada Golaha Shacabka…

Xubnaha gaaray Beledweyne waxaa ka mid aha Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar, Wasiirkii hore Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, Xildhibaan Qoone iyo Siyaasiga C/llaahi Sanbaloolshe oo sanadkii 2016 Xildhibaan loo doortay, balse markii Taliyaha NISA loo magacaabay ku waayay xubinnimadii Golaha Shacabka, tartan uu mar kale u galayna horaantii sanadkii 2018 looga adkaaday.

Beledweyne ayaa waxaa taala illaa 25 kursi oo Golaha Shacabka ah, waana kuraas intooda badan uu tartan iyo loolan adag uu ka jiro, waxaana ka mid ah Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo xifaaltan kala kulmayo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo sanadkan raadinaya kursi Xildhibaannimo.

Dhanka kale Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay gaadiid nuuca ciidamada Boliiska (4) iyo mootooyin (5) loogu tala galay in ay ku howlgalaan Xoogaga Amaanka ee ka howlgala Magaalada Baladweyne.

135160cookie-checkXildhibaano & Siyaasiyiin Gaaray Magaalada B/weyne