Wasiir Ka Tirsan Jubbaland Oo Hoygiisa Loogu Dhacay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Mas’uul katirsan maamulka Jubbaland oo habeenimadii xalay lagu weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Kismaayo, iyadoo ay jiraan warar is Khilaaf San oo ka soo baxaaya khasaare ka dhashay weerarkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa waxay sheegayaan in Hoyga uu magaalada Kismaayo ka dagan yahay Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Dalxiiska Ee Maamulka Jubaland Mr.Caydiid Sulaymaan Xaashi lagu weeraray bam-gacmeed (F-one), Waxaana ku dhaawacmay 3- Askari oo Ilaalada Wasiirka ah, iyadoo uu ka badbaaday Wasiirka oo xiligaasi ku sugnaa Hoygiisa.

Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxaana dad Goob joogayaal ah ay sheegeen in koox hubeysan ay Bamka tureen, kuwaaasi oo Goobta isaga baxsaday weerarka kadib.

Dhowr cisho ka hor waxaa degaanada Maamulka Jubblanad lagu weeraray Mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasoo Bam gacmeedyo lagu weeraray degaanada ay ka degan yihiin Magaalooyinka Baardheere iyo Kismaayo, waxana ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo lagu Eedeeyay Qaarkood Maleeshiyaad daacad u ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iney ka dambeeyaan.

71860cookie-checkWasiir Ka Tirsan Jubbaland Oo Hoygiisa Loogu Dhacay