Dhaleeceyn Loo Jeediyay Howlwadeenada Safaarada Somalia Ee Pakistan

Somalia news

Safaaradda Somalia ee dalka Pakistan ayaa ka jawaabtay cabashooyin iyo eedeymo culus oo kaga yimid Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay Baraaha Bulshada si weyn loogu faafiyay…

Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi oo u badnaa Arday wax ka barata Dalka Pakistan ayaa sheegay in dhibaato weyn ay Kay qabaan (dalkugalka) fiisaha, waxaana ay intaasi raaciyeen in Saraakiisha Safaaraddu ay ka gaabisay howlihii loo baahnaa in ay bulshada u qabato, balse War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in arrinta Fiisaha ee ay ardaydu ka cabanayaan sida ugu dhaqsiyaha badan waxlooga qaban doono, oo ay safaaraddu u taagan tahay sidii Ardayda cabashada keenay u xalin lahyd.

Waxaa War-saxaafadeedka kasoo baxaya Safaaradda ayaa Ardayda iyo Muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxaa loogu sheegay hannaanka la doonayo in ay maraan si ay u helaan Fiisaha.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxaya Safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in isbeddal uu ku yimid qaabkii loo qaadan jiray Fiisaha, iyadoo Dowaldda Pakistan ay bilowday hannaan cusub oo Online ah, kaaso oo looo baahan yahay in Ardaydu ku baraarugaan, sida Qoraalka Safaaradda lagu sheegay.

138040cookie-checkDhaleeceyn Loo Jeediyay Howlwadeenada Safaarada Somalia Ee Pakistan