Xawaashyada Sunta ah ee India laga Soo Dhoofiyo & Halista Caafimaad ee ku Gedaaman..

Food World

Warbixino Caafimaad ayaa daaha ka rogaaya in qeylo dhaan digniino xambaarsan laga soo saaray noocyo Xawaashyada lagu daro Raashinka oo laga helay suntan xambaarsan Cudurada Cancer-ka waana kuwa baakadaysan ee shirkadaha Everest iyo MDH kuwaasoo lagu farsameeyo Dalka India…

Maamulka Raashinka iyo Dawooyinka ee Dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan ka dhan ah wax soo saarka labada shirkadood ee hormuudka ka ah badeecooyinka India, Shirkadahaan ayaa lagu eedeeyay iney beec geeyaan xawaashyo ay ku jiraan sunta ‘ethylene oxide’ ee sababta Cancer-ka.

Horaantii Bishaan, Maamulka Hong Kong ee Dalka China ayaa waxay mamnuuceen saddex nooc oo Xawaash ayna leedahay shirkadda MDH iyo mid ka mid ah Alaabada Everest kadib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan heerarka xad dhaafka ah ee ethylene oxide, Waaxda Badbaadada Cunnada ee Hong Kong ayaa baaris dheer kadib ka helay xawaashyada baakadaysan ee shirkadaha Hindida ee MDH iyo Everest iney ku jiraan sunta cayayaanka ee ethylene oxide waxaana Dadka lagu taliiyey in aanay cunno u isticmaalin.

Waxaa xusid mudan in noocyadaan labada Shirkadood ee MDH iyo Everest ay ka mid yihiin xawaashka ugu caansan Hindiya iyo Aduunka oo dhan, Dalka Singapore ayaa sidoo joojisay Xawaashka kalluunka loo isticmaalo ee Everest, iyadoo Laamaha Caafimaafka ay ka digeen Isticmaalka Xawaajiyada Dalka India lagu farsameeyo, waxaana lagu eedeeyay iney ku jirto sunta ethylene oxide oo xad dhaaf ah.

Waa maxay Ethylene Oxide:-?

Ethylene oxide waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin kala duwan oo dhanka warshadaynta ah. Waxaa kale oo loo isticmaalaa udug isla markaana jeermiska dila, Hey’adda ilaalinta Degaanka ee Maraykanka (EPA) ayaa sheegtay in kiimikadani isticmaalkeedu ay Dadku kansar ka qaadaan 2018, EPA waxay qortay iney jiraan cadaymo ku jira bini’aadamka in soo-gaarista ethylene oxide ay kordhiso halista kansarka loo yaqaan lymphoid iyo kansarka naasaha ee Haweenka.

Hadaba, Wasaarada Caafimaadka Somalia miyeey ku baraarugaan yihiin Khatarta Caafimaad ee Xawaashyada laga soo dhoofiyo Dalka India maxaase u qorsheysan ka hortageeda.

323980cookie-checkXawaashyada Sunta ah ee India laga Soo Dhoofiyo & Halista Caafimaad ee ku Gedaaman..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *