Weerar Dhaba-gal ah oo ay Geysteen Argagixisada Shababka oo lagu Dilay Injineero & Shaqaale..

Africa News

Boliiska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Koox looga shakisan tahay iney ka tirsan yihiin Argagixisada Shababka ay weerar dhaba-gal ah ku dileen 4-Qof degaano hoos taga Gobolka Waqooyi-Bari Kenya, iyadoo tiro kalena la sheegay iney dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaasi…

Wararka ayaa sheegay in Shilkaasi ay ky dhinteen 3-Injineero kuwa dhismaha ah & Shaqaale la socday, kuwaasoo saarnaa gaari Toyota Helix Double Cabin, waxeyna dhamaan ka tirsanaayeen waaxda wadooyinka Kenya (KeNHA) kuwaasoo qiimeyn wadada ka baxday Magaalada Nairobi-Gaarisa.

Kolonyadaan ayaa markii Shilka miinada dhacay waxey dib ugu laabteen xerada Haily Chinese, Madaxda Boliiska ayaa sheegay kooxaha weerarka geystay ja goobta ka baxsadeen, waxaana loo diray cutubyo ka tirsan Boliiska degaanka si ay daba gal ugu sameeyaan una xoojiyaan amaanka.

236790cookie-checkWeerar Dhaba-gal ah oo ay Geysteen Argagixisada Shababka oo lagu Dilay Injineero & Shaqaale..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com