Sidee 54 Dal oo African ah ugu Fashilmi karaan u Ururinta $80-Millions Somalia

Africa News

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Amniga Qaarada Afrika kadib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray, wuxuuna aad uga carooday in Howlgalada AU-da ay u xayiran yihiin Dhaqaale la’aan..

William Ruto, oo xilka madaxtinimada qabtay Sebtembar 2022, ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uusan awoodin xitaa lacag dhan 85 millions US$ oo loo uruurinayey Ciidamada ATMIS ee ka howl gala Somalia, Ruto ayaa sheegay Dalalka Afrika ee saboolka ah sida Somalia inay sugaan taageerada dhinacyada kale sida Midowga Yurub.

“Waxaan si dhab ah ugu baahan nahay su’aalo weydiinta maamulka AU, Maanta xitaa ma taageeri karno Somalia, Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85M, Waa waalli. Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano ka dib xornimadooda, ma maamuli karaan $85M oo lagu taageero Somalia? ayuu yiri Ruto.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Somalia waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan Dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Willian Ruto.

254030cookie-checkSidee 54 Dal oo African ah ugu Fashilmi karaan u Ururinta $80-Millions Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com