Musharax ku Guuleystay Kursiga Hop#135

Somalia news

Doorasho ka dhacday xalay saqdii dhexe magaalada Jowhar ayna ku tartamayeen 3-Musharax kursiga Hop#135 oo ay horey ugu fadhiday Marxuumad AUN Aamina Maxamed Cabdi oo qarax abaabulan lagu dilay bartamaha magaalada Beled weyne ee Gobolka Hiiraan…

Kursigaan oo muddo mid loo dhigay sababo la xiriira Tacsida, iyadoo loo soo wareejiyay magaalada Jowhar sababo amaanka la xiriira, ayaa waxaa ku tartamaayay 3-Musharax oo magacyadoodu kala yihiin:-

-Amran Xuseen Isaaq

-Maxamed Aadan Daahir

-Maxamed Nuur Xuseen

Waxaa ku guuleystay Maxamed Aadan Daahir sida ay ku shaaciyeen Qoraal lagu baahiyay bogga Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Murashax Maxamed Aadan Daahir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP135 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabelle.”

Maxamed Caanoy oo nin dhallinyaro ah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka hawlgalayay Safaaradda Somalia ee Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

186950cookie-checkMusharax ku Guuleystay Kursiga Hop#135