Maxaa ka Dhab ah in Xukuumada Deni la la Xiriiriyay hurinta Xiisadaha Colaadaha Beelaha

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujisay in Maamulka Dani ee Puntland oo ka gaabiyay inuu diyaariyo Doorashada degaanada, uu haatan u si hoose u wado qorshe uu ku hurinaayo colaadaha Beelaha ee salka ku heysa Soohdimeynta Degaanada si ay ugu fududaato mudda kordhinta..

Cabashada Dadka degaanka ayaa salka ku heysa soohdimeynta khikaafka xoogan dhaliyay ee Wasaarada arrimaha gudaha u gudbisay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka (TPEC), kuwaasoo ku fashilmay waan waan at kala galaan Waxgaradka iyo Odayaasha Degaanada laga cabanaayo, isla marjaasna at ja gaabiyeen in la qanciyo Degaanada tabashada keenay ka hor inta aan la shaacin Seejooyinka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Mr.Deni uu qorsheeyay inuu kala diro Golaha Wakiilada ka hor kalfadhifa 52-aad oo furmi doona 15-Juun 2023-da, kaasoo noqon doona midkii ugu dambeeyay Xildhibaanada hadda jooga, damacaan ayaa lagu fasiray mid khatar ku ah jiritaanka nidaamka Maamulka dhisan, isagoo doonaya inuu mudada kororsado isla markaasna Barlamaanka kala diro.

231620cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Xukuumada Deni la la Xiriiriyay hurinta Xiisadaha Colaadaha Beelaha