Musharixiin Mucaaradka Ah Oo Loo Badinaayo iney Ku Guuleystaan Kuraasta B/weyne

Uncategorized

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Maamulka Hirshabelle [SEIT] oo muddo dheer khilaaf iyo is qabqabsi siyaasadeed kadib, shaaciyay jadwalka iyo Guddiga Xulista Ergada, labo ka mid ah, kuraasta ugu miisaanka culus ee taalla Magaalada Baladweyne…

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle, ayaa lagu sheegay in HOP#011 iyo HOP#063, musharixiinta u tartamaaya ay maanta qaadan doonaan, shahaadada Musharraxnimo, isla-markaana doorashada kuraastaan la qaban doono 22/03/2022, oo berri ku beegan.

Khilaaf ka dhashay boobka tiro kuraastaan iyo kuwo ee doorashada ee degaan doorashadoodu tahay xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo uu shalay xilkiisii ku waayay, Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini, kaasoo xilka looga qaaday isku day boobka kuraasta kadib markii dhaqaale siiyeen Farmaajo & Fahad.

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Xil-gaarsiinta, Mr. Rooble oo taageeray shaqa ka cayrinta Diini, ayaa Cali Guudlaawe, ugu baaqay inuu hir-galiyo doorasho daah-furan, si looga fogaado xasarado iyo xiisado colaadeed oo mar kale ka aloosma Hiiraan.

176590cookie-checkMusharixiin Mucaaradka Ah Oo Loo Badinaayo iney Ku Guuleystaan Kuraasta B/weyne