Ma Dhabaa in Dhagaro Siyaasayeed oo Dejiyay Maamulka SSC-Khatumo Somalia…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Todobaadkii tagay Kulan ay shir-gudoominaayeen Maamulka Addis Abeba ayna kaqeyb galeen Maamulada Waqooyiga Somalia iyo Puntland ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xalameyn lahaa Maamulka SSC isla markaasna dib loogu hoos geyn lahaa Maamulka Hargeysa…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u sheegtay in 3-daan Nin @HESaidADeni, @AbiyAhmedAli, iyo @musebiihi ayaa lagu eedeeyay inay abaabuleen shirqoolo Ciidan oo ka dhan ah Hogaanka SSC, ayna ka qeyb qaadanayaan (fududeeyeen) in Shaqsiyaad ka soo jeeda Degaanada SSC sidii dib ugu soo biiraan Maamulka gooni goosadka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu muddo dhowr bilood ay hortaagan yihiin in Dekeda Boosaaso laga saaro 20-Gaari oo kuwa Land cruiser Pickup ah, oo ay soo iibiyeen Jaaliyadaha SSC-Khatumo uguna deeqern in Maamulka ku howlgalaan.

Lama yaqaano sababta uu Maamulka Deni u diidan yahay in Dekada laga soo bixiyo, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Maamulka Deni uu qorsheystay inuu la wareego Gaadiidkaasi isla mrkkaasna Maamulka SSC loo lacageeyo.

319660cookie-checkMa Dhabaa in Dhagaro Siyaasayeed oo Dejiyay Maamulka SSC-Khatumo Somalia…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *