Dab Xoogan Oo ka Kacay Suuq weyn ee Magaalada Jigjiga

Africa News

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Dab aad u xooggan oo xalay ka kacay suuqa Taiwan ee magaalada Jigjiga, inkastoo qayb ahaan la xakameeyay balse aan weli lagu guulaysan demintiisa, kaasoo la sheegay inuu Khasaare geystay…

Wararka ayaa sheegay in Dabka oo si xawli ah uga holcaya suuqa Taiwan ayaa laga xakameeyay inuu ku faafo qeybaha kala duwan iyo goobaha ganacsiga ee ku xeeran suuqa gubanaya, iyadoo Ganacsatada ay wel wel ka muujiyeen Dabkaan soo noqnoqday.

Xoogaga Dab-demiska Xarunta Jigjiga oo kaashanaya Shacabka Magaalada ayaa weli la tacaalaya deminta suuqaas oo ay ku baaba’day hanti fara badan, Waxaa sidoo kale weli socda gurmadka ka imaanaya magaalooyinka ka baxsan Jigjiga si ay qayb uga noqdaan deminta dabka ka holcaya suuqa.

264740cookie-checkDab Xoogan Oo ka Kacay Suuq weyn ee Magaalada Jigjiga