Sare-Kac Ku Yimid Kala Iibsiga Hubka Muqdishu

Somalia news

Kadib markii ay soo dhowaatay Xiligaan Doorashada Dalka, isla markaasna uu Khilaaf xoogan ka dhashay magacaabista Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal iyo kan Maamulada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Sicirka Hubka iyo rasaasta uu Sare kac ku yimid…..

Wararka hordhaca ah Ayaa Sheegay in Qoriga AK-47 uu qimihiisu Sare u kacay maalmihii ugu dambeeyay kadib markii ay kordheen dablka Iibsiga, wuxuuna gaaray qiyaastii 1,400 US$, halkii uu ka ahaa 5-bilood ka hor 700-US$, Noocyada Bastooladaha ayaa la sheegay iney aad u kordheen, iyadoo la kala siisto xiligaan 2000-US$ nooca 9-mm Browning Long (Belgium design.

Qoriga BKM ayaa la sheegay in Qiimaha lagu kala iibsado xiligaan uu gaaray 15,000 US$, waxaa ka loo la sheegay in Qoriga RPG iyo rasaastiisa la kala siisto qiimo aad u sareysa, sidoo kale Rasaasta qoryaha kor ku xusan ayaa la sheegay in Qiimahoodu uu kordhay, waxaana lagu sababeeyay xiliga heer kulka Doorashada.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in 5-Hogaamiye oo ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ayaa la sheegay in Hub iyo Rasaas aad u tiro badan ka iibsadeen 4-tii todobaad Ee ugu dambeysay, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulamo wada tashi ah ku qabsadaan Magaalada Muqdishu, iyadoo Uu Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu digniino adag ka soo saaray.

73240cookie-checkSare-Kac Ku Yimid Kala Iibsiga Hubka Muqdishu