Xafiiska Pentagon-ka Oo Xaqiijiyay in Markab Dagaal oo USA Navy ah & 2-Maraakiib Ganacsi lagu weeraray Badda Cas..

World

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Markabka Dagaalka ee Arleigh Burke oo lagu magacaabo Carney uu soo riday labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay leeyihiin kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta Yemen ee ay Dalka Iiraan taageerto maalintii shalay, kadib markii ay heleen baaq ah In loo gurmado Markab Ganacsi oo magaciisa lagu sheegay M/V Unity Explorer, kaasoo agagaarkiisa uu ku dhacay hal Gantaal oo Ballistic ah…

Sida laga soo xigtay xogta Bloomberg, Markabka Xamuulka ee Unity Explorer oo dhawaan soo martay Suez Canal, kaasoo taladadii tagay uu ku sugna Biyaha Redsea, waxaa kaloo wararku sheegayaan in Markab kale oo ganacsi lagu weeraray halkaasi sida laga soo xogtay AP-news, iyadoo Weerarada Maraakiibta Xamuulka ee Badda cas mara ay kordheen wixii ka dambeeyay Dagaalka Israel iyo Ururka Hamas.

Xogtii u dambaysay ee laga helay shirkadda sirta ee Stratfor ayaa muujinaysa in laba markab oo diyaaradaha xambaara Maraykanka ay ku sugan yihiin gobolka, kuwaasoo kala ah:-

-CVN 69: Markabka Diyaaradaha xambaara USS Dwight D. Eisenhower ayas wuxuu ka soo socdaa dhanka Gacanka Faaris.

-Halka Markabka CVN 78: USS Gerald R. Ford ayaa ka soo dhaqaaqo badda Mediterranean-ka.

290910cookie-checkXafiiska Pentagon-ka Oo Xaqiijiyay in Markab Dagaal oo USA Navy ah & 2-Maraakiib Ganacsi lagu weeraray Badda Cas..