Madaxa Bangiga Aduunka ayaa Walaac ka Muujiyay Deymaha Dalka China uu Siiyo Qaarada Africa

Business World

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa khilaaf xoogan soo kala dhex galay Dalalka China iyo Xulafadiisa BRICS oo dhinac ah iyo Xulafada USA oo ay Hormuudka u yihiin, iyadoo Khilaafkaan uu salka ku hayo Arrimaha Ganacsiga iyo Deymaha loo fidiyo Dunida 3-aad oo Qaarada Africa ay ku jirto…

Iyadoo Dalka China uu dhowrkii sano ee u dambeeyay ay kordhiyeen Saameyntooda Qaarada Africa, iyagoo saldhig uga dhigay Deeqaha iyo Deymaha ay u fidiyaan Dalalka Africa uu noqdo mid waxtar u Shacbiga, waxaana Talabadaasi welwel ka miijiyay Madaxa Bagniga Aduunka Mr.David Malpass.

Mr.Malpess oo Wareysi naadir ah bixiyay ayaa ka shanqariyay in Hanaanka iyo shuruudaha deynta bixinta ee Dalka China tilmaamay in loo baahan yahay iney noqdaan kuwo daah furan, Dhawaaqaan ayaa ku soo beeqmay Xilli Dalka China ay kordhiyeen Amaahda ay siiyaay Qaarada Africa.

Dalalka soo koraaya ayaa inta badan ka amaahda Lacago Dalal iyo Hey’ado si loo maalgeliyo Mashaariicda kobcin kara kaabayaasha Dhaqaalaha, Waxbarashada, Beeraha iyo Kheyraadka Badda, waxaana welwel laga muujiyay sare u kaca heerka dul saarka ee Hey’adaha IMF iyo World Bank oo ay Maamulaan USA, waxaana la xaqiijiyay in sanadihii ugu dambeeyay dib u bixinta Amhaada ka dhigay mid qaali ah iyadoo lagu sababeeyay Sare u kac Qiimaha USA$ oo Dunida meel badan laga diiday in wax lagu kala iibsado.

249350cookie-checkMadaxa Bangiga Aduunka ayaa Walaac ka Muujiyay Deymaha Dalka China uu Siiyo Qaarada Africa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com