Xakameynta Awoodaha Ciyaalka Saraakiisha Farmaajo

Somalia news

Kadib markii uu xargo goostay Khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajaha Fashilmay ayaa waxaa soo shaac baxaaya qorshe quracan Oo Ciyaal darajooyin lagu xardhay kuwaasoo sandareerto ka doorbiday iney Shacbiga Magaalada Mogadishu u caburiyaan Maamulka Villa Somalia..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay inta ay la egtahay awoodda ciidan ee ay waqtigan leeyihiin Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Odawaa Yuusuf Raage iyo Madaxa Ciidamada Boliiska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, kuwaasoo xilligan wajahaya caddaadis uga yimid tallaabooyinkii ay ku taageereen Maamulka Fashilmay.

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble, ayaa ku Amray Wasiiradiisa Gaashandhigga (Cabdulqaadir Maxamed Nuur) & Amniga (Cabdullaahi Maxamed Nuur) iney la yimaadaan qorshe degdeg ah Oo Lagu dhimaayo awoodaha iyo Saameynta Ciidamada ee Saraakiisha (Ciyaalka) kor ku xusan kuwaasoo lagu eedeeyay iney weli ka amar qaataan Villa Somalia.

Qorshaha awoodoodda lagu dhimay, ayey wararka sheegayaan, inuu ahaa dalab ka yimid Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo dhowr jeer cabasho ka muujiyey, gabood falada ay Shaqsiyaadkaan ka geysanayaan gudaha caasimadda, Farxaan Qaroole ayaa lagu eedeeyay Todobkaan inuu awood u adeegsaday, Dadweyne dareenkooda dibadbax ku muujinayeen kuna aadan, afganbigii dhicisoobay ee uu Farmaajo ku sameeyey qaar ka mid ah xafiisyada Golaha Wasiiradda dalka.

Sidoo kale, waxaa maalmaha soo socda, lagu wadaa in Awoodaha, Taliyaha Ciidamada Lugta Mr.Biixi, iyo Taliyaha Ciidamada Boliiska Mr.Xijaar, oo iyaguna ku xiran Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ee sida sharci darrada ah ku fadhiya Villa Somalia, waxaana ka marneyn Agaasimaha KMG ah ee NISA oo ku eedeysan Gabood falo.

159880cookie-checkXakameynta Awoodaha Ciyaalka Saraakiisha Farmaajo