Wararkii ugu danbeeyay Ee Fadhiga Wadajirka ee Xildhibaanada & Senatarada Baarlamaanka..

Somalia news

Waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Kulankan oo xasaasi ah oo horseeday in Amniga Caasimadda si weyn loo sugo, isla markaana Ciidamo badan la dhigo wadooyinka magaalada, iyadoo Xildhibaannada iyo Senatorada taageersan Ansixinta Dastuurka ay kusoo dheelmadeen xarunta Villa Hargeysa..

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Tirada Kooramka Xildhibaanada ee labada Aqal la buuxiyay, xiligaana ay xarunta ku sugan yihiin Xildhibaanno iyo Senatoro 254, balse Guddoonada Baarlamaanka isu diyaarinayo in fadhiga uu ku furmo tirada ugu badan ee Xildhibaannada.

Inkastoo qaar ka mida Xildhibaannada Mucaaradka ee diidan qaabka loo qoray 4-cutub ee maanta la ansixinayo ayaa laga cabsi qabaa inay buuq iyo fowdo ka sameeyaan fadhiga, waxeyna qaarkood soo diyaarsadeen firimbiyo Samaacado balse Guddoonada Baarlamaanka ayaa waxaa ka go’an iney meel mariyaan codeynta.

Waxaana lagu wadaa haddii lagu guuleysto Ansixinta 4-Cutub ee Dastuurka kuwaasoo taabanaaya Hanaanka Doorashooyinka iyo Nidaamka Dowladeed una suurta gelin doonta inuu ka baxo Ku meel gaarnimada, isla markaasna dhabaha u xaari doona in mashruucaan kan ku xiga doono oo ah Dib u eegista Marxalada 3-aad ee Dastuurka oo ay ku jirto Maqaamka Gobolka Benaadir.

318080cookie-checkWararkii ugu danbeeyay Ee Fadhiga Wadajirka ee Xildhibaanada & Senatarada Baarlamaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com