Share the post "Xifaltanka, Gacan-ka-Hadaka Caruurta u Dhaxeeya Sidee Waalidku u Xalin karaa.."
Caadiyan Nolasha Guriga Xifalitanka iyo loollanka u dhexeeya Caruurta Walaalaha ah oo marar badan gaara iney gacanta ka wada hadlaan, waa mid aan dhamaad lahayn, iyadoo mararka qaarkood ay dhacaysa iney ku sigtaan in wax kastaa uu khilaaf ka dhex abuuro, waaba suurtagal haddii uu fahmayo inuu midkood isaga oo walaalkiisa kale ka ashkatoonaya oran lahaa, “Waxa uu neefsanayaa hawada aan anigu neefsanayo”..
Waxaa Marqaati ma doonto ah in muranka joogto ah oo mararka qaarkood aanay jirinba sabab uu ka bilowdaa, si joogto ah ayaa uu u soo noqnoqdaa xuduud iyo xakamana ma laha, taasoo mararka qaar keenta in waalidku caroodo oo iskala garan waayo oo midkood ama labadoodaba ciqaabo.
Khubarada ku takhasustay Arrimaha Caruurta ayaa ka diga in Waalidku ay Gaariga ku wada qaadaan Ubadkooda, gaar ahaan marka uu gaarigu ciriiri ku yahay Carruurta oo badan awgeed, ama mararka qaarkood aanay ku heshiinayn in iyagoo laba ah ay nabad ku wada fadhiyaan meel afar ruux oo waaweyn ku filnaan lahayd, waxaana la ka dhalan kara shil.
Waalidku waxa ay caradiisu sii badataa marka inta ay Ubadkoodu banaanka u baxaan ay arkaan Ilamahooda oo Carruurta kale si dabeecad wanaag iyo saaxiibtinimo ah ula ciyaaraya, waxeyna u qaataan ama ku canaantaan inuu yahay Qof dadkiisa neceb oo shisheeyaha la farxa, Laakiin dhakhaatirita cilminafsiga carruurtu arrimahaas lama qabaan waalidka.
Ilmahaaga gaar ha u xaqirin
Dabeecadahaan dhaawaca khatarta ah ku keena ilmaha waxaa ka mid ah in waalidka gaar ahaan hooyada oo mar kasta ilmaha ag joogtaa ay carruurta mid ka mid ah la bartilmaameedsadaan habdhaqanno ilmuhu u fahmayo qalafsan, sida dacaayad aanu jeclaanayn, ereyo uu cay u arkayo iyo ficillo uu cadaadis ka dareemayo oo uu isu arkayo in walaalihiisa kale kaga duwan yahay, iwm.
Ha ku dheeldheelin Nafsadda Ubadkaaga
Hab-dhaqannada qaldan ee waalidka oo hooyada u badani isticmaalaan waxaa ka mid ah in ilmaha ay u tusaan in aanay weligoodba iyagu qaldamin, ilmaha qaldamana ay calaamad u tahay in aanu qof fiican ahayn.
Dhalleecayn iyo canaan joogto ah
Mararka qaarkood waalidku waxa uu nolosha ilmaha ku burburiyaa canaan joogto ah, waxaaba dhacda in dadaal kasta oo uu ilmuhu samaynayo, haddana aanu waalidkii ka mutaysan amaan iyo abaalmarin, balse taas bedelkeeda uu waalidku sii wado canaanta isaga oo moodaya iney wax u sii kordhinayso, ama sida ay Soomaalidu tiraahdo, “Isaga oo aaminsan in sababta faraska usha loogu dhuftaa ay tahay inuu ka sii badiyo orodka”.