Dowladda Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Dhiiri-gelinta Kooxaha Argagixisada

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa In Dowladda Turkiga ay Dhalasho iyo dukumentiyo safar ku sharaftay mid ka mid ah Horjoogayaasha ugu khatarsan ee kooxda argagixisada Hubeysan ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), kuwaasoo maamula gobol ka mid ah Dalka Syria…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Horjooge Manar Al-Shami dhowaan la gudoonsiiyay dhalashada & Baasaboorka Turkiga, iyadoo Horjoogahaan la xaqiijiyay in Dowladda Ukraine ay ku sharaftay iney siiso Dhalashada dalkaasi, waxaana la sheegay in Saraakiisha Sirdoonada Turkiga (MIT) iyo kuwa UK (MI6) ay u fududeeyeen in horjoogahaan xiriiro la sameeyo Sirdoonka Ukraine.

Dowladda Turkiga ayaa in muddo ah lagu eedeynaayay iney maalgeliyaan, tababaraan Kooxaha argagixisada, waxeyna dhibaato xoogan ku Hayaan Dalalka Somalia, Libya, Syria iyo Irak, iyagoo tiro badan oo kooxaha argagixisada u isticmaala caburinta iyo cabsi gelinta shucuubta dalalka kor ku xusan.

Turkiga iyo Qatar oo Muddo 4-sano ah Saameyn ku lahaa Siyaasada Somalia miyaa laga yaabaa iney Horjoogahaan iyo Kooxdiisa u soo qaadaan Somalia Sanadkaan hadii uu isbedel Siyaasadeed ka hirgalo Dalka!!?.

126520cookie-checkDowladda Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Dhiiri-gelinta Kooxaha Argagixisada