Horjooge ka tirsan Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia oo isa soo Dhiibay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Puntland ayaa sheegaya in Qoraal ay soo saareen Xoogaga Amaanka ayeey ku sheegeen inuu isa soo dhiibay Horjooge ka tirsan Kooxda Argagixisada Daacishta ee dagaalada ka wada degaanada Buuraha Puntland…

Wararka ayaa sheegay in Horjooge Cabdullaahi Xadeed Cali Mire oo ka tirsanaa Kooxda Argagixisada Daacish uu iskusoo dhiibay Xoogaga Amniga Puntland, Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Ninkaani tagay degaanka Balidhidhin ee Gobolka Bari, wuxuuna sheegay inuu kasoo goostay kooxda Daacish.

Kooxda argagixisada Daacish ayaa Fariisimo qarsoodi ah ku leh Gobolka Bari, halkaasoo ay kasoo abaabulaan weeraro ka dhan ah Xoogaga Amniga Puntland, Todobaadyo ka hor waxay soo weerareen degaanka Balidhidhin, halkaas oo looga dilay sarkaal sare.

240480cookie-checkHorjooge ka tirsan Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia oo isa soo Dhiibay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com