Xiisad Dil Xambaarsan Oo Ka Dhacday Albaabka Madina Gate ee Magaalada Mogadishu..

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad ka taagan Madiina Gate albaabka la galo Xaruunta Xalane, iyadoo Xiisadani la sheegay iney salka ku hayo Dil loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada ATMIS Sector 1-aad ee Uganda….

Wararka ayaa xaqiijinaya iney xiisad ka taagan tahay albaabka laga galo (Madina Gate) Xaruunta Xalane ee Muqdisho kadib markii Muwaadin Soomaaliyeed uu Tooreey ku dilay Askari u dhashay dalka Uganda kadib markii ay murmeen, dilka ka dib ayaa la sheegay in Ciidamada UPDF ee ku sugnaa goobta ay iyaguna durbadiiba toogteen muwaadinkii Soomaaliyeed ee dilka geystay.

Waxaana hadda xaniban dhaqdhaqaaqa Madina Gate halkaasi oo ciidamo fara badan ay soo buux dhaafiyeen, Wixii warar ah ee ku soo kordha la soco.

276540cookie-checkXiisad Dil Xambaarsan Oo Ka Dhacday Albaabka Madina Gate ee Magaalada Mogadishu..