Xiisado Colaadaad & Hub Uruursi Ka Taagan B/Xaawo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xiisado colaadeed iyo hub uruursi uu ka taagan yahay degmada B/Xaawo kadib markii ay diyaar garow ka bilaabeen Ciidamada Dowladda (Kuwa Ethiopia) iyo Ciidamada Jubbaland (Kuwa Kenya)….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maalmihii ugu dambeeyay ay degaankaasi la isugu geeyay Ciidamo gurmad ah iyo Gaadiid dagaal, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal fara looga gubtay ka qarxo degmada, waxaana la sheegay in Xalay degmada B/xaawo uu gaaray Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka, isagoo shalay ka degay garoonka diyaaradaha Ee Degmada Doolow.

Waxaa Taliyaha ku wehliya safarkiisa Taliyaha Guutada 17aad ee Ciidamada Kumandooska Gorgor Gaashaanle Dayax, Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad ee Gobolka Gedo iyo saraakiil kale.

Dhanka kale, Ciidamada badan oo gurmad ah ayaa la sheegay in jiida hore Ee Degmada B/Xaawo ay gaareen Ciidamada Jubbaland, kuwaasoo ka soo dhaqaaqay Degmada Ceel waaq, iyadoo Todobaadkaan ay jireen kulamo wada tashi ah oo ay Sara’s Ciidamada Ethiopia,Eritrea Iyo Somalia ka yeesheen Xaalada B/Xaawo vs Mandheera iyo digniintii ay soo saareen Dowladda Kenya.

66450cookie-checkXiisado Colaadaad & Hub Uruursi Ka Taagan B/Xaawo