Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan degaano hoos taga Galmudug

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xiisad Colaadeed oo saakay ka taagan deggaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, kadib dil bareer ah oo xalay ay geysteen Dabley ku heyb ah Farmaajo kana dhacay Tuulada Dalsan oo hoos-tagta degmada Cabudwaaq…

Wararka ayaa sheegaya in Dilkaan uu salka ku hayo aanno Qabiil. Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gurey Cabdi Inkir, kana soo jeeda Beesha Cadaado, wuxuuna ka mid ahaa dadka xoola dhaqatada ee ku deganaa tuullada Dalsan, waxaana Dilka fuliyay 4-Dabley ah oo Beesha Farmaajo ah, kuwaasoo ku hubeysnaa Hub (Ak-47) dhowaan laga qaaday Villa Somalia.

Waxaa saaka halkii xalay marxuumka lagu dilay, soo buux dhaafiyey rag hubeysan, oo sida la tilmaamay ku heyb ah, kuwaa oo doonaya in ay weerar ku qaadaan beesha ay ka soo jeedeen, kuwii dilka gaystay,Xiisada ayaa ah mid horseedi karta dagaal beeleed hor leh, waxaana lagu soo waramayaa in hub urrursi ay ku jiraan, labada beel ee ay xiisadani ka dhex aloosan tahay, mana jirto cid wada waan waan lagu dejinayo xaaladda.

163540cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan degaano hoos taga Galmudug