Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Degmada Matabaan

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegsya in Xoogag aad u Hubeysan oo kala taageersan Maamulka Galmudug ay isku horfadhiya an Duleedka Magaalada Matabaan, iyadoo laga cabsi qabo iney Dadka Rayidka ah korkooda ku diriraan…

Xiisadaan ayaa la sheegay iney ka bilaabatay kadib markii Xoogag Hubeysan Oo Ka Tirsan Qeybta NISA ee degaanka Guricel ay si xoog ah ula wareegeen bar kontorol oo ku taal Duleedka Magaalada Matabaan, waxeyna kala eryeen xoogagii amaanka Magaalada ee bartaasi ku sugnaa kuwaasoo lacago baad ah ka qaadi jiray Gadiidka iyo socotada.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Xoogagaan hubeysan ay ka tirsan yihiin kuwa NISA, waxeyna ka caroodeen mushaar La’aan muddo bilooyin ah la siinin, kadibna inta is abaabuleen ayeey ku duuleen barta Kontorol isla markaasna qabsadeen si ay U qeybsadaan Canshuuraha laga qaado gaadiidka, Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaaya Sarkaal horey uga tirsanaa Suufiyada.

142840cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Degmada Matabaan