Maamulka Abiy Ee Addis Abeba Oo Xiray Inta Badan Xawaaladaha Soomaalida

Africa News

Macluumaad ayaa laga helayaa Talaabo Uu Maamulka Abiy ee Ethiopia ay gabi ahaan hawada uga saartay oo ay albaabada isugu dhufatay in ka badan Lix Xawaaladood oo Soomaalidu ku lahaayeen gudaha dalka Ethiopia, sidoo kalena ay xabsiyada ku gureen dhammaanba Mas’uuliyiintii Xawaaladaaasi…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in ka badan Lix Xawaaladood oo ah kuwo ay leeyihiin Ganacsato Soomaali ahi lagu xiray Magaalada Addis Ababa iyo Faracyo kale oo ay dalkaasi ku lahaayeen kadib markii sida ay Hey’adda Sirdoonka ku eedeeyeen Xawaaladaasi dambiyo ay ku sheegeen kuwo dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Iyagoo ku eedeeyey iney lacago u xawileen una fududeeyeen dhaqaale buuran oo loo diray kooxda Hubeysan ee TPLF eeTigreega, Xawaaladaha ay Masuuliyiintani magac dhabeen waxa ka mid ahaa Xawaaladaha TAAJ, Jubba, AMAL, Tawakal iyo 24 Online.

Saraakiisha Amaanka ee Ethiopia ayaa laga soo xigtay in xabsiga la dhigay Madaxdii Xawaaladaha kor ku xusan, Iyagoo lagu eedeeyay iney lacagaha ka saari jireen qaybta mooyaale iyo xagga Matame ee dalka Suudaan iyo dhinacan kale ee Wajaale qaybta Ethiopia, waxeyna sheegeen in muddo dheer ay daba gal ku hayeen Xawaaladahan ayna la tiigsanaynaa doonaan Maxakamadaha dalkaasi.

133180cookie-checkMaamulka Abiy Ee Addis Abeba Oo Xiray Inta Badan Xawaaladaha Soomaalida