Xiriirka Howlgal Ee Shababka & Saraakiisha Gedo

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo ku dhow Saraakiisha Sirdoonada reer galbeedka ayaa sheegaya iney baaris ku hayaan xiriirka iskaashi ee sii kordhaaya una dhaxeeya Maleeshiyaad qaab beeleed looga abaabulay Degmada Doolow iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shababka….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Kooxahaan ay kala qeybsadeen Degaanada ay ka howlgalayaan, waxaana la sheegay in Kooxda Jabahada NFD (uuna Madaxa ka yahay Cabdulahi Kulane (Xiis-Mareexaan) loo Xil saaray iney ka howlgalaan Mandheera, Ceel-waaq Iyo degaanada ku xeeraan, waxaana la sheegay in Maleeshiyaadkaan laga maalgeliyo Villa Somalia.

Dhanka kale, ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegay in 40-Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka uuna Horjooge u yahay Mawliid Cabdi Xuseen oo ka yimid Sedahgoseh ee Somalia, uu ka khudbeeyay masaajid maxalli ah oo ku yaal Degathe, wuxuuna wacad ku maray inuu u sii gudbi doono qeybaha kala ee Kenya si uu isugu dubarido weerarada lagu qaadayo dadka reer Kenya.

Xogtu ayaa intaas waxay ku dareysaa in Xuseen uu ka khudbeeyay Masaajidka maalintii Sabtidii ee todobaadkan, isagoo sheegay in Degaanada Gaarissa, Wajir, Amuume, Hamey iyo Lamu ay ka fulin doonaan howlgalo Qorsheysan.

Wararka Ayaa sheegay in 40-Maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, seddex qori oo PKM ah iyo todobo bambaanooyin ayaa dhowr xabo hawada ku tuuray ka hor inta aysan Talaadadii ugu kala gudbin xuduudka saddex koox.

Saraakiisha Amaanka ayaa rumeysan in kooxahaasi laga yaabo in mar horeba loo qoondeeyay bartilmaameedyo ay ka mid yihiin anteenooyinka, xeryaha baaritaanka iyo in waxyaabaha qarxa lagu aaso waddooyinka. “Koox kale waxay noqon kartaa khiyaano lagu mashquuliyo saraakiisha deegaanka”, hadii uu dagaal ka qarxo Magaalada Mandheera.

80520cookie-checkXiriirka Howlgal Ee Shababka & Saraakiisha Gedo