Maxaa Sabab u ah in Somalia Horumar ka Sameyso Xasiloonida Dhaqaalaha..

Economie Somalia news

Bangiga Aduunka ayaa ku amaanay Somalia, kadib markii guulo muhiim ah ka gaartay Horumarinta Xasiloonida Dhaqaalaha iyo Horumarka suuqyada adeega ee casirga ah, iyadoo uu Dalku ku jiro xaalad Amaan darro oo kooxda Argagixisada Shababka ay weeraro joogto ku hayaan goobaha Ganacsiga sida Hoteelada iyo Mall-ka…

Somalia ayaa la eegaa iney u qalanto cafinta Deymaha lagu leeyahay oo gaaraya 5-Billions US$, iyadoo inta badan laga cafiyay, waxaana u dambeeyay Dalka Russia oo ka cafiysy 650-millions US$, ku darsoo waxaa Dalka lagu tilmamaa inuu meesha hoose kaga jiro Dalalka ugu Musuqmaasuqa badan Aduunka, waxaana loogu sababeeyay Siyaasiyinta xiligaan oo Danley macaash doon ah.

Khabiir Dhaqaale ayaa hoosta ka xariiqay in “Awood dhaqaale oo la taaban karo waxaa lagu xaqiijin karaa kaliyah haddii la helo Xasilin iyo hanaan Dowladeed oo cadaalad ku dhisan, iyadoo gacan ka geystan karta yareynta Musuqa iyo Qaraabo kiilka, waxeyna xoojin karta heshiisyada Bulshada.

Dalkaan ayaan laheyn Lacago u gaar ah, iyadoo uu Ganacsiga wax lagu kala iibsado Lacagaha US$ oo Digital ah, degaanada qaarkood ayaa wax lagu kala iibsadaa Lacago Shilin Somali duug ah oo kuwo Falso lagu dhex qasay, waxeyna yareysay in laga aamin baxo Shilin Somaliga,Maamulka hadda jirana qorshe cad uma hayo xiligaan daabacaada Lacago Dalku leeyahay.

269580cookie-checkMaxaa Sabab u ah in Somalia Horumar ka Sameyso Xasiloonida Dhaqaalaha..