Madaxweynuhu Miyuu aaminay in Oromo ay Soomaalida Adeer u tahay?

Somalia news

Macluumaad ayaa ka soo baxaaya wada sheekeysi dhex maray Mr.Farmaajo iyo tiro Xildhibaano iyo Senatarada ka soo jeeda Waqooyiga, kaasoo salka ku hayay inuu warbixino ka siiyo safarkii Addis-abeba Ee Farmaajo iyo Kulankii Mr.Muuse Biixi ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u sir warranty ayaa sheegay in Mr.Abiy uu u sheegay Mr.Farmaajo iyo Mr.Muuse Biixi “haddii aan nahay Oromo Soomaalida ula mid ma nihin maamuladii Ethiopia soo maray. Haddii aan nahay “Oromo” Soomaalida adeer ayaan u nahay, awoodda Ethiopia maanta Oromo ayey gacanta ugu jirtaa, ma nihin Ethiopiadii Soomaalida kala qeybin jirtay, mana aqbalayno in Soomaali la kala qeybiyo, Soomaaliya oo kala qeybiyo waxay sababi kartaa Ethiopia oo kala qeybsanta. Sidaa darteed waxaan idinka doonaynaa (Waqooyi & Koonfur) inaad heshiisaan.

Sida wejigiisa ka muuqatay, Mr.Farmaajo ma aaminay in Oromo ay Soomaalida adeer u tahay? Waxay ahayd su’aal aan weydiiyay dhawr Xildhibaan oo madasha joogay, dhammaantood waxay iigu jawaabeen, oo haddii uusan fakarkaa aaminsanayn miyuu ereygaa noocaas ah nala soo hor fadhiisan lahaa ayuu ku gaabsaday, Shakiga ku gedaaman Hadalkaan iyo Dekadaha loo saxiixay ma kuwo isku xiran baa.

Si kasta ama ha aaminsanaado, ama yuusan aaminin, balse nasiib daro ka weyn ma jirto, in hadal noocaas ah uu Madaxweynaha Dalka uu madal ka sheego, sidoo kale waxay tani ka markhaati kacaysaa inuu Mr.Farmaajo uusan ku baraarugsanayn dhagarta Ethiopia, ama inuu yaqiinsaday iney ku heyn karaan kursiga, ( Somalia Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna).

43540cookie-checkMadaxweynuhu Miyuu aaminay in Oromo ay Soomaalida Adeer u tahay?