Falal Amaan Darro Oo lagu BartilmaamedsanayoGabdhaha Oo ku Soo Badanaaya Caasimadda

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay ay kusoo badanaayeen Falal amni darro oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay tiro Gabdhaha da’da yar oo baafintooda looga sameenayo baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha ka howlgasha…

Wararka ayaa sheegay in Gabadha markii la afduubo ayaa waxaa loo geynayaa koox abaabulan, kuwaasoo la sheegay iney kufsadaan si wadar ah (galmo aysan raali ka aheyn) halka kuwa kale la sheegay in si qarsoodi ah loo dhoofiyo (Human Traffing) talaabadaan ayaana la sheegay ineysan Xoogaga Amaanka ka qaadin fal celin xagga sharciga ah falalka soo kordhay.

Dhacdooyinkaan dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo ku dhaqanka Diinta islaamkaba halista ku ah ayaa waxaa si gaar ah farta loo fiiqay goobo ganacsi oo gaar ah kuna yaalla Xeebta Liido iyo agagaarkeeda, waxaana sidoo kale jira shabkado kale oo xubnaha jirka bini’aadamka lagala baxayo qofka markii la afduubto.

203380cookie-checkFalal Amaan Darro Oo lagu BartilmaamedsanayoGabdhaha Oo ku Soo Badanaaya Caasimadda