Xogta Qaraabo-Kiilka Dowlada:- Wasiirkii 3-aad oo Shaqaaleysiiyay Xigtadiisa

Uncategorized

Iyadoo ay soo balaaraneyso Eexda iyo Qaraabo-kiilka Maamulka Xasan Sheekh, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka Maxamed Sh. Doodish lagu eedeeyay inuu qortay Shaqaale ahaan Qaraabadiisa, isla markaasna noqday Wasiirkii 3-aad…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Wasiirka Amniga gudaha ee Dowladda Faderaalka oo kamid ah Wasiirada la kooxda ah Madaxweynaha, ayaa tan iyo imaanshihiisa Wasaaradaani, wuxuu u qoray xigtadiisa Mushaar (Gunno) kale duwan In ka badan 8-Xubnood oo qoyskiisa, ayna ku jiraan walaalihiis la dhashay sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah, waxeyna kala yihiin:-

-Xasan Cali Firin, waa Abtiga Wasiirka, wuxuu ku mushahaar qaataa Darawalnimo.
-Cumar Jabiiba, waa Wasiirka abtigiis, wuxuu ku mushahaar qaataa Madaxa ilaalada gaarka ah ee Wasiirka.

-Warsame Maxamed Xasan, waa ina Adeerka Wasiirka, wuxuu ku mushaar qaataa Agaasime waaxeed Wasaaradda Amniga gudaha.

-Cabdifitaah Firin, waxaa dhalay Abtiga Wasiirka, wuxuuna ku mushahaar qaataa Xogheyntiisa.

-Raxma Farascade, Walaasha Wasiirka oo ay isku hooya yihiin, iyadoo asn Dalka ku sugneyn ayaa mushahaar loo qoray.

-Cabdimajiid Xasan Galeyr, waa ilmo habreedka Wasiirka, wuxuu ku mushahaar qaataa Kaaliyaha, wuxuu ku sugan yahay Muqdisho.

-Samatar Shiiraar: Wasiirka ayaa Abti u ah, wuxuu ku mushaar qaataa kuna magacaaban yahay La-taliye, isagoo ku sugan Magaalada Nairobi uu mushaar qaate ku yahay inta badan.

-Cabdifitaax Maxali Sheikh Xaashi, Wasiirka ayaa u ah adeer, waxaana mushahaari looga qoray Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Dowladda Faderaalka.

268130cookie-checkXogta Qaraabo-Kiilka Dowlada:- Wasiirkii 3-aad oo Shaqaaleysiiyay Xigtadiisa