Ciidamada Dowladda & Kuwa Galmudug oo ku jira Diyaar-garowii ugu Dembeeyay Howlgal Lagu Qabanaayo…

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga hekayaa abaabul xoogan oo ay wada wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Kuwa Galmudug & Xoogag hubeysan oo ka soo jeeda Degaanka kuwaasoo qorsheynaayo sidii loo qaban lahaa Degmada Ceel buur iyo degaanada hoos yimaada…

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Ciidamo tiro badan oo ay u qorsheeyeen sidii ay ula wareegi lshaayeen degmadaasi iyo Tuulooyinka ku xeeran, Horay guluf ay horkacaysay Dowladda Federaalka ayaa la isku dayay kaasoo lagula waregayo degmada Ceelbuur, balse lagu ma guuleysan.

Dib u dhacaasi ayaa lagu sababeeyay muran iyo khilaaf soo kala dhex galay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Degaanka, taasoo sababtay inuu muddo hakad galo, waxaa la qorsheynayaa in laga saaro Maleeshiyaadka kooxda Shababka Degmada Ceel buur oo haatan ay tahay Degmada kaliyah ee ku hartay degaanada hoos taga Maamulka Galmudug.

247670cookie-checkCiidamada Dowladda & Kuwa Galmudug oo ku jira Diyaar-garowii ugu Dembeeyay Howlgal Lagu Qabanaayo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com