Ma Dhabaa in Xildhibaan Sacdiya oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xilli ay ku wajahneyd Garoowe.

Uncategorized

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa is hortaag lagu sameeyay, Wafdi ay Hormuud u aheyd Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin ah oo kusii jeeday magaalada Garoowe Puntland…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Wafdigaan oo ay hogaaminaysay  Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa ku xayiran Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kadib markii laga dejiyey diyaarad u waday Puntland.

Wafdiga waxaa qayb ka ah Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Somalia, Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Macdanta Maxamuud (Mashruuc), Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo dhamaantood kasoo jeeda Puntland, Ilo wareedkaan ayaa sheegaya, in xayiraada ay ka timid dhanka Maamulka Puntland oo la diiday socdaalka wafdiga.

Maamulka Dani ayaa mar sii horreysey joojiyeen wada shaqayntii kala dhexey Dowladda Federaalka, Ilo-ka-agdhow weftiga ayaa sheegay in ay Guddooomiye Sacdiya u socotey caana-shubka Suldaanka Beesha Xarab Saalax, Suldaan Bashiir Suldaan Carab, kaasoo lagu waday in Xafladiisa la qabto Berito kana dhacdo magaalada Garoowe.

268050cookie-checkMa Dhabaa in Xildhibaan Sacdiya oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xilli ay ku wajahneyd Garoowe.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com