Xog:- Farmaajo Oo Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka Xiriiro La Sameeyay

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Hogaamiye kooxeedka soo daahay (Farmaajo) ayaa dib u bilaabay inuu xiriir hoose la sameeyo Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Badbaado Qaran, kadib markii Hogaanka Midowga Musharixiinta ay dayaceen Kaalintoodii…

Wararka ayaa sheegaya in Hogaamiye kooxeedka oo ka faa’idaysanaya fursad iyo dayac ka yimid Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta iyo Wasiirka 1-aad Rooble kuwaasoo aan ka soo bixin balanqaadyo ay u sameeyeen Ciidamadaan 3-bilood mushahaarkoodii iyo isbedel lagu sameeyo Hogaanka Ciidamada Dowladda, ayaa isku dayay inuu dhexgelo oo furfuro, isagoo adeegsanayaa Xubno ka soo jeeda Midowga Musharixiinta, Odayaal iyo Saraakiil.

Saraakiisha Ciidamada ayaa lagu wargeliyay in Qasnada Dowladda ay maran tahay, iyadoo ay ka gaabiyeen iney bixiyaan Mushaarkii Shaqaalaha iyo Ciidamada 4-tii bilood ee ugu dambeysa, dhaqaalaha yar Ee ka soo xarooda Dekada iyo Airporka, ayaa la sheegay iney isku heystaan Farmaajo iyo Rooble.

120820cookie-checkXog:- Farmaajo Oo Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka Xiriiro La Sameeyay