Danjiraha Maraykanka oo Sheegay in Somalia ay hayso Wadadii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka..

Somalia news

Dowladda Maraykanka ayaa Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ku Amaantay inuu qaadayo tillaabooyin muhiim ah si uu u daboolo halbeegyada Cunaqabateynta, wuxuuna soo dhaweeyay horumarka laga gaaray in Dowladda Federaalka Somalia ee ku aadan maareynta hubka iyo kaydka..

Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Mr.Larry André ayaa sheegay maaraynta hubka in ay Somalis ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee qaadista nidaamka cunaqabataynta dalka saran, wuxuuna intaadi raaciyay in Waxka bedelka lagu sameeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya horumarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Somalia sii wado,”ayuu yiri.

Safiirku wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay weli ka go’an in ay sii wado taageerada Somalia iyo in la xaqiijiyo in ciidamada Dowladda ay helaan hubka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan kooxda argagixisada Shabaabka iyadoo la yareynayo khatarta ah in hubku uu galo gacmo qaldan.

247700cookie-checkDanjiraha Maraykanka oo Sheegay in Somalia ay hayso Wadadii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com