Hey’adaha Amaanka Hargeysa Oo Qabtay Shabakad Si Qarsoodi ah Magaalada Ku Joogtay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay ka fuliyeen Xoogaga Amaanka magaalada Hargeysa ayeey ku sheegeen iney qabteen Shabakad Kooxda argagixisada Shababka xiriir la leh ayna sheegeen iney ka soo safreen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubada dhexe..

Qoraal Hey’adaan ay bartooda X soo dhigeen ayeey ku sheegeen iney qabteen 5-Nin iyo 2-Dumar ah oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka, iyagoo qoraalkoodu ku sheegay in 2-da Dumarka ah ay qabaan Horjogayaal ka tirsan kooxda argagixisada, waxeyna sheegeen iney ku raad joogaan 20-kale oo Shababkadaan ka tirsan ay baxsadeen.

Qoraalkaan ayaa ku soo beegmay, iyadoo Maamulka lagu xanto iney xiriir toos la leeyihiin Horjoogayaasha sare ee Kooxda oo Qaarkood ka soo jeeda Degaanada Somaliland, ku darsoo waxaa taagan xiisada u dhaxeysa Somalia & Ethiopia kuna aadan Maamulka gooni goosadka oo 20-KM dhul/xeeb u saxiixay iney Ciidamada Ethiopia fariisin Badeed ka dhistaan Degmada Luggaya ee Gobolka Awdal.

304670cookie-checkHey’adaha Amaanka Hargeysa Oo Qabtay Shabakad Si Qarsoodi ah Magaalada Ku Joogtay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com