Xoogag Hubeysan Oo kala Taageersan Maamulka Puntland & Mucaaradka Oo Isku Rasaaseeyay Garoowe

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xoogag hubeysan oo kala aragti duwan ayaa rasaas isku weydaarsadey gudaha magaalada Garoowe, Subaxnimadii hore ee Saakay, iyadoo dadka Rayidka ee Magaalada ku waabariisteen dhawaaqa rasaasta culus oo ay is dhaafsanayaan dhinacdayaan..

Wararka ayaa sheegay in Habeenkii xalay waxaa magaalada soo galay cutubyo ka mid ah Xoogag uu hoggaamiyo Sarkaal lagu magacaabo Jimcaale Takar, kuwaasoo aagag kala duwan xirtey magaalada, Xoogagaan ayaa ka soo horjeeda doorashooyinka xisbiyada ee Madaxweynaha Puntland qorsheynaayo in sanadkiisi ugu dambeeyey inuu ka qabto.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in ilaa 2-goobood oo loogu tala galay in lagu qabto Diiwaangelinta oo ay ku sugnaayeen Ciidamo xoojin ah oo laga keenay Magaalada Boosaaso lagu weeraray, waxeyna ilahaani intaasi raaciyeen in Siyaasiyiintii horey ula soo shaqeeyey Madaxweynaha Puntland ee badankood ka soo jeedaan Gobolka Nugaal ayaa si weyn uga soo horjeeda qaabka loo agaasimay doorashooyinka Xisbiyada.

240950cookie-checkXoogag Hubeysan Oo kala Taageersan Maamulka Puntland & Mucaaradka Oo Isku Rasaaseeyay Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com